Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon oo ka digay dib u dhac ku yimaado xulista Baarlamaanka

Tuesday, August 14, 20120 comments

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa ka digay dib u dhac xilligan ku yimaado soo xulista Baarlamaanka cusub, iyadoo muddo todobaad ay ka harsan tahay xilliga KMG ee Xukuumada hada jirta.

Afhayeen u hadlay Ban Ki-moon ayaa sheegay in walaac ay ka qabaan in la musuq maasuqo soo xulista Baarlamaanka iyo in lagu soo daro hogaamiye kooxeeyadii hore, waxaana uu xusay in aan la aqbali doonin.


Mr Ban Ki-moon ayaa sheegay inay jiraan in kuraasta Baarlamaanka lagu bixinayo lacago, isla markaana ay ka cabsi qabaan in si aan cadaalad ah loo soo xulin, waxaana uu ugu baaqay odayaasha dhaqanka in dadka ay soo xulayaan ay noqdaan kuwo ku haboon una qalma, isla markaana raali laga wada yahay.


Waxaa uu rajo ka muujiyay in sida loogu tala galay ay u dhacdo doorashada Madaxtinimada Soomaaliya, inkastoo uu xusay in dib u dhac badan ay jiraan, hadana waxaa uu soo dhoweeyay in 20-ka Agosto laga baxo xilliga KMG ah.


Guux badan ayaa ka jira qaabka soo xulista Baarlamaanka cusub, waxaana Midowga Afrika, IGAD iyo Xafiiska Siyaasada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ay si isku mid ah uga digeen in la musuq maasuqo kuraasta Baarlamaanka cusub, iyadoo Beelaha qaarkood isku heystaan
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog