Gudiga Farsamada ee soo xulista Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka ayaa ku wargeliyay Odayaasha dhaqanka in kama dambeys maalinta berri ay soo gudbiyaan Liiska Xildhibaanada, iyagoo sheegay inay dhamaatay mudadii laga sugayay in lagu soo xulo Xildhibaanada cusub.
Shir jaraa'id oo si wada jir ah maanta magaalada Muqdisho ugu qabteen Gudoomiyaha Gudiga Farsamo ee soo xulida Baarlamaanka Prof. C/llaahi Xiirey iyo La gudoomiye Gudigaas Xaliimo Yarey ayay si wada jir ah ugu dhawaaqeen in berri sagaalka subaxnimo ilaa 5-ta galabnimo lagu soo gudbiyo Liiska Xildhibaanada.
Prof. C/llaahi Xiirey ayaa sheegay in Odayaasha ay ka dhowrayaan inay waqtiga ilaaliyaan, waxaana uu xusay in laga sugayo inay soo xulaan ruux wax akhrin kara, waxna qori kara, isla markaana heerka waxbarashadiisa gaarsiisan tahay ilaa Dugsi sare.
"Waxaan ka codsaneynaa Odayaasha dhaqanka in berri kama dambeys ay soo gudbiyaan Liiska Xildhibaanada cusub, lana ilaaliyo sharciga Xildhibaan lagu soo xulayo"ayuu yiri Prof. C/llaahi Xiirey oo intaa ku daray in Odayaasha aysan ka tagin 30% loo qoondeeyay Haweenka Soomaaliya
Sidoo kale Xaliimo Yarey oo ka mid ah Gudigan ayaa sheegtay in aan loo baahneyn in la soo xulo kuwa dambiyada ka galay dalka, isla markaana dadka soo laayay, iyadoo xustay in loo baahan yahay Xildhibaan karti iyo aqoon leh.
Odayaasha dhaqanka ayaa ku jahwareersan cida ay soo xulayaan, kadib markii boqolaal ruux ay u tartamayaan Xildhibaanda, waxaana habka Xildhibaanada loogu qeybiyay beelaha ay keentay in khilaaf badan ay ka dhex dhaliso.
275-ta Xildhibaan uu yeelanayo Baarlamaanka cusub Afarta sano ee socota ayaa afarta beelood ee kala ah Daarood, Dir, Hawiye, Digil iyo Mirifle min 61-Xildhibaan iyo Beesha Shanaad oo ka soo gaareysa 31-xildhibaan, waxaana jiray cabasho Beesha Shanaad ka muujiyaan sida lagu duudsiiyay xuquuqdooda ee looga dhigay Bar.
Ilaa 16-cisho ayaa ka harsan waqtiga looga baxayo KMG-nimada, isla markaana la sugayo doorashada madaxtinimada, waxaana marka la soo xulo Baarlamaanka lagu wadaa inay doortaan Gudoomiye Baarlamaan iyo kuxigeeno iyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya.
Xafiiska Shabakada gubtanews.com
Muqdisho Somalia
gubtanews@hotmail.com