Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Prof. Jawaari oo maanta shir-gudoominaya kulankii u horeeyay oo lagu iclaaminayo waqtiga doorashada

Thursday, August 30, 20120 comments

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii u horeeyay ku yeelanaya magaalada Muqdisho, maalin kadib markii ay doorteen Gudoon cusub, iyadoo kulanka maanta lagu dhaarinayo Xildhibaano dhowaan la soo gudbiyay, markii ay horay dib u celiyeen Gudigii Farsamada.

Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa gudoomin doona kulankiisa u horeeyay, kaasoo uu kaga jeedin doono khudbad uu uga hadlayo qorshihii Baarlamaanka.


Kulamo gaar gaar ah ayuu Gudoomiyaha xalay la qaatay Xildhibaanada cusub, waxaana ay aheyd qaarkood kuwa is barasho, mid ka mid ah kulamada ayuu la yeeshay Hogaamiyeyaashii hore ee dagaalka oo ay dib u celiyeen Gudiga farsamada, hase ahaatee ay fasaxday Maxkamada sare.


Gudoomiyaha cusub ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo xilliga doorashada Madaxweynaha ay dhaceyso, iyadoo shalay Wakiiladii ka socday Beesha Caalamka ay dalbdadeen in la soo dedejiyo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.


Sidoo kale kulanka maanta ayaa lagu kala saari doonaa Xildhibaano la isku heysto, gaar ahaan Kaararka aqoonsi oo labo Xildhibaan oo isku mid ah la kala siiyay, kadib markii Gudiga Farsamada xubnihii ay dib u celiyeen ku bedeleen xildhibaano cusub.


Wararka qaar ayaa sheegaya in madasha looga yeeri doono Odayaasha dhaqanka ee soo xulay, si ay u doortaan qof kaliya oo ka mid noqda baarlamaanka cusub.


Kulanka Baarlamaanak cusub uu maanta yeelanayo ayaa imaanaya maalin kadib markii la doortay Gudoomiye Baarlamaan iyo Labo kuxigeen, iyadoo Hey'adii u horeysay Dastuuri ah lagu doorto magaalada Muqdisho muddo 42-sano ah.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog