Saraakiisha dowladda ee Jubooyinka ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalo saacadihii u dambeeyay ay kula galeen Al-Shabaab deegaano u dhaxeeya Magaalada Kismaayo iyo Afmadow, kadib markii horaantii todobaadkan ay bilaabeen guluf ku wajahan magaalada Dekeda leh ee Kismaayo.
Taliyaha Ciidamada dowladda ee Jubooyinka Jen. Ismaaciil Saxardiid ayaa sheegay in dagaaladii ay la galeen Shabaab ku dileen ilaa lixdameeyo dagaalyahano, ayna ka gubeen gaadiid dagaal sida uu yiri.
Jen. Saxardiid ayaa sheegay in si xeeladeysan ay kula wareegi doonaan magaalada Kismaayo, isla markaana qorshahooda yahay mid milateri.
"Qorshaha waa mid milateri, waxaan magaalada ku qaban doonaan todobaad gudahood, shalay jab culus ayaa gaaray, lixdameeyo dagaalyahan baan ka dilnay, baabuur waa ka gubnay"ayuu yiri Jen. Saxardiid.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxaya dhanka Al-Shabaab oo ku aadan dagaalada ka dhacay inta u dhaxeysa Afmadow iyo Kismaayo, iyadoo Ciidamada huwanta ay ku sii siqayaan magaalada Kismaayo.
Xaalada magaalada Kismaayo ayaa ah mid aan fadhin oo cabsi ay ka jirto, kadib markii uu saameeyay duulaanka ku soo wajahan, waxaana Al-Shabaab ay bilaabeen inay isu diyaariyaan inay ka sii baxaan magaalada.