Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Niyad Jab iyo Madax Xanuun uu ka qaaday Doorashadii Shalay Muqdisho uga Dhoofay

Thursday, August 30, 20120 comments

Shariif Xasan Sheekh Aadan Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka dhoofay kadib markii Maalintii shalay fashilkii ugu xumaa ee Siyaasadeed ay soo wajahday .

Shariif Xasan ayaa Maanta ka dhoofay Magaalada Muqdisho waxa uuna gaaray Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya kadib markii Maalintii Shalay uu Shariif Xasan ku fashilmay hamigiisii ku aadanaa in uu u tartamayo Jagaa Madaxweynanimo ee Soomaaliya.


Waxa uu Shariif Xasan u taagnaa Jagada Madaxweyne ee Soomaaliya si taasi ugu soo baxana waxa uu u ololeenayay in Beeshiisa aysan u tartamin Kursiga Gudoomiyaha Baarlamanaka, hasa ahaatee taasi ma dhicin Nin katirsan Beesha uu u kasoo jeedo ee Digil iyo Mirifle oo u tartamay ayaana ku guuleestay kursigaasi.


Lama oga ilaa hada Sababaha ka dambeeya in uu Shariif Xasan Deg deg ku aado Magaalada Nairobi ,waxaana la hadal hayaa in taasi ugu wacantahay niyad jab iyo madax xanuun uu ka qaaday doorashadii shalay ka dhacday Magaalada Muqdisho.


Dad badan ayaa qaba in Shariif Xasan uu gabi ahaan Siyaasada Soomaaliya uu ku faashilmay lagana yaabo in uu iska casilo Siyaasada uuna dib ugu laabto ganacsigiisa wallow aan wali si rasmi ah looga war heyn waxa uu ku haminayo.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog