Ergeyga qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Dr. Augustine Mahiga ayaa soo dhoweeyay doorashadii Gudoomiyaha Baarlamaanka shalay ka dhacday magaalada Muqdisho, isagoo hambalyo u diray Gudoomiyaha cusub Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiskiisa ayuu ku sheegay in Prof. Jawaari uu yahay shaqsi aad uu u yaqaano, isla markaana uu ku kalsoon yahay, inuu dalka Soomaaliya ka samata bixiyo muddo 21-sano ah.
"Waa Tallaabo wanaagsan in Baarlamaanka cusub uu yeesho Gudoonka Baarlamaanka, waa xilligii horumarka iyo horu-socodka"ayuu yiri Augustine Mahiga.
Mahiga ayaa ugu baaqay Baarlamaanka iyo Gudoonka cusub inay ku wada shaqeeyaan sinaan iyo cadaalad, waxaana uu ku booriyay inay horay u sii wadaan dadaalada geedi socodka nabada ee Soomaaliya.
Waxaa uu ugu baaqay in muddo 10-maalmood gudahood lagu soo doorto Madaxweyne cusub, mar hadii Baarlamaanka uu yeeshay Gudoon cusub.
Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa maalinta berri shir gudoomin doona Xildhibaanada Baarlamaanka, iyadoo lagu wado inuu ku iclaamiyo waqtiga ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha.
Maalintii shalay ayay aheyd markii Baarlamaanka cusub uu yeeshay Gudoon cusub, kadib loolan doorasho ah oo ka dhacday Xarunta School Polizio ee magaalada Muqdisho.