War Deg Deg Ah Dad Badan oo goordhaw lagu laayay Magaalada Marka iyo Al-Shabaab oo ka baxday Magaaladaasi

Monday, August 27, 20120 comments

Wararka aan ka heleyno Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in goordhaw Al-Shabaab Magaaladaasi ku laayeen dad badan oo Shacab ah kadib markii Magaaladaasi lagu soo dhawaaday.

Dad goob joogayaal ah ayaa noo sheegay in Al-Shabaab intoodii badneed gaar ahaan Saraakiishii iyo ajaaniibtii kooxdaasi la joogtay ka baxeen Magaalada Marka ayna afka saareen dhinaca Magaalada Baraawe iyo Buulo Mareer oo katirsan isla Gobolkaasi


in kabadan 5-Qof oo u badnaa Dhalinyaro Shacab ahaa ayey Al-Shabaab siyaabo kala duwan goordhaw ugu laayeen Magaalada Marka ee Xarunta Sh/Hoose kadib markii ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen Jawaaasiis la shaqeysa Ciidamada Dowlada iyo kuwa .


Dadka deegaanka ayaa kuwaramaya in dad kudhawaad 10-Ruux Shabaab siyabao kala duwan Bistoolado ugu dileen Xaafadaha kala gadisan Marka kuwaa oo xitaa uu kujiray Wiil dhalinyaro ah oo la sheegay Madaxa looga jiray uuna waalnaa.


labo kamid ah Dadkan la dilay ayaa Shababa waxa ay ku toogteen goob fagaaro ah ay dad iskugu yeereen ,ragaas ay dileen ayeyna sheegeen in ay ahaayeen Rag jawaasiis ah.


Kooxda Al-Shabaab ayaa bistoolado u qeybisay Dhalinyarada naxariista ka guurtay ee loo yaqaan Amniyaadka kuwaa oo tooganaya qofkii ay ka shakiyaan oo dhalinayro ana iyaga ka tirsaneen ,xaalada ayaana hada ah mid kacsan dadka ayana guryaha isku soo xiray.


Waxaa gabi ahaan maanta xiran Ganacsiga Magaalada Marka ,dadka ayaana dhooraya isbadalka laga filan karo in magaalada uu ku yimaado saacdaha soo aadan maadaama ay kusoo fool leeyihiin Magaalada Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo ada ugu soo dhawaanaya.


Waa xaaladii ugu darneed ee mudooyinkan ay soo food saarto Shacabka nabada Jecel ee kunool Magaalada Marka ,maanta ayeyan ku sheegeen Shacabka in ay u tahay Maalin Murugo iyo Naxtin badan.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog