Shiikh Cali Dheere "Qabiilka aan ka dhashay ee soo xulaya Baarlamaanka ma ahan dhaqan la yaqaan"

Saturday, August 11, 20120 comments

Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Cali Dheere ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ee soo xulaya Baarlamaanka aanay aheyn odayala dhaqan la yaqaan oo sax ah, isagoo ugu hanjabay inay dili doonaan qaarkii ansixiyay Dastuurka.

Cali Dheere ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka sida Ugaasyada iyo salaadiinta ee hada ku lugta leh howlaha soo xulista Baarlamaanka ay yihiin kuwo been abuur ah oo aan matali karin beelaha.


"Odayaasha dhaqanka ma ahan kuwii la yaqaan ee saxda ah, gaar ahaan qabiilka aan ka dhashay ma ahan odayaasha dhaqanka saxda ahaa, qaarkood waxay ka mid ahaayeen Dowladii ridada ee Cabdulaahi Yuusuf, waxay ka yimaadeen Yurub, Odayaal Yurub laga keenay Soomaali maba taqaano"ayuu yiri Cali Dheere.


Cali Dheere ayaa sheegay in ergooyinkii ansixiyay Dastuur hadii aysan ka laaban oo aysan iclaamin inay ka bari ahaayeen ay dili doonaan, hadii aysan ka laaban dambigaas sida uu yiri.


"Kuwa gaaloobay ee ansixiyay dastuurka hadii aysan ka laaban oo aysan dhihin bari baan ka dhahay oo aan iclaamin, oo aan dhihin waa ka laaban dambigaas waa laga dhaafayaa"ayuu yiri Cali Dheere.


Hadalka Afhayeenka Al-Shabaab ayaa ku soo aadaya, iyadoo is qab qabsi xoogan ay ka jirto habka soo xulista baarlamaanka, waxaana qeyla dhaan ka imaanaya beelaha oo ku aadan in odayaasha dhaqanka ee soo xulaya aanay aheyn kuwii saxda ahaa, halka madax dhaqameedyo ka mid ahna xilka laga qaaday.


Al-Shabaab ayaa horay digniin ugu jeediyay Odayaasha dhaqanka iyo ergooyinka ansixiyay dastuurka, iyagoo sheegay inay dili doonaan.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog