Allaha u naxariistee waxaa saaka degmada Dharkeenley lagu dilay Yuusuf Cismaan Cali (Yuusuf Farey) oo ahaa Agaasimaha Wasaarada Warfaafinta qeybta diinwaan-gelinta FM-yada, isagoo ahaa rug-cadaa muddo bahda warbaahinta ka howl galayay.
Sida ay sheegayaan wararka Marxuumka ayaa lagu dilay Garaash uu kala soo baxayay gaarigiisa, markii qof ku hubeysan Bastoolad uu ku dhex dilay garaashka, dabadeedna goobta ka baxsaday.
Goob joogayaal ayaa sheegay in Marxuumka uu ku guda jiray inta gaariga uu albaabka hore uu furayay qof hubeysan gadaal uga yimid, dabadeedna uu madaxa ka toogtay.
Meydka ayaa laga soo qaaday garaashka, markii uu ku qudh-baxay, iyadoo goobta ay soo gaareen Ciidamo ka tirsan dowladda, inkastoo aanay u suura gelin inay gacanta ku soo dhigaan kooxihii ka dambeeyay.
Sanadka gudihiisa ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay saxafiyiin ka howl galayay Warbaahinta Muqdisho, iyadoo uu ugu dambeeyay Majaajiliistihii caanka ahaa Marshaale oo kooxo Hubeysan ku dileen degmada Waabari.