Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo Caawa Shaaciyay in uu Musharax yahay waxa uu qaban doonana ka hadlay

Sunday, August 12, 20120 comments

Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo ah nin si weyn looga Yaqaan Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya ayaa caawa Shaaca ka qaaday in uu yahay Musharax Madaxweyne una tartami doono Doorashada Dhawaan Dhici Doonto.

Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in ay arintana ku dhalatay kadib markii uu arkay Dhibaatada wali kajirta Dalka ayna u muuqan cid isaga dhaanta oo wax ka qaban karta, isagoona sheegay hadii la doorto in uu Dalka wax badan ka badali doono hor marna gaarsiin doono.


Waxa uu sheegay Salaad Cali Jeelle in uu kalsooni badan ku qabo in la dooron doono uuna aqoon badan u leeyahay iskuna fiicanyihiin Xildhibaanada lasoo xulayo lana filayo in la dooran doono uuna yahay nin mudan in la doorto.


Mar uu ka hadlay Salaad Cali Jeelle waxa uu qaban doono hadii la doorto ayaa sheegay in wax badan uu ka badali doono xaalada Dalka kajirta uuna u horseedi doono Nabad iyo Nolol uuna wanaajin doono Xiriirka Caalamiga ah uu aad ugu fiican yahay.


Waxa kaloo intaa ku daray in Wadamada Dariska Dowladiisa Hadii la doorto kula dhaqmi doonaaa darisnimo iyo xiriir wanaagsan ,sidoo kale uu hagaajin doono Qaabka faderaalka uuna soo dhisi doono Dowlad Goboleedyo ku dhisan qaabb Faderaal ah wada shaqeyna la leh Dowlada Dhaxe ee Soomaaliya.


Mar uu soo hadal qaaday dhinaca Amaanka Salaad Cali Jeelle aya asheegay in uu wax badan ka qaban doono uuna hagaajin doono amaan xumada Dalka kajira .


Salaad Cali Jeelle ayaa ugu baaqay Xildhibaanada dooran doono Madxweynaha in ay ku doortaan Waayo Aragnimo ,Aqoon iyo in uu yahay nin wax u qaban kara umada Soomaaliyeed sidiisa oo kale kana soo bixi kara Howla loo igmaday.


Musharaxnimada Salaad Cali Jeelle ee Caawa ayaa kusoo aadeysa xili ay sii kordhayaan Raga isku sharaxaya Doorashada Madaxweynanimo ee Soomaaliya iyadoona Rag badan lasaadalinayo in ay daaqada ka bixi doonana kahor doorashada.

 
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog