Tartan Adag Oo Dhexmaray Tartamayaasha Degmooyinka Waaberi VS Dayniile “Dhageyso”

Sunday, August 5, 20120 comments

Degmada Waaberi oo difaacaneysa koobka tartan Cilmiyeedka Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa xaley waxa ay tartameyaasheeda tartan adag la geelin tartameyaasha degmada Dayniile oo gobolka Banaadir ay ka wada tirsan yihiin. Tartanka ayaa ku bilowday dardar xoogan ayadoo tartamayaasha labada degmo ay quudareeynayeen in dhankooda aanay guushu dhaafin waxaase tartanka sidoo kale qeyb ka aheyd ka sokoow su’aallaha la weydiinayey tartamayaasha labada degmo qeybta isbarashada degmooyinka habeenkaas barnaamijka ku baratamaya iyo sidoo kale fursadii la siinayey dhageystayaasha barnaamijka oo iyagu habeen walba loosoo bandhigo su’aal ay abaal marin ku bixiso shirkadda barnaamijka taabagelineysa ee Hormuud. Hadaba natiijada tartankii adkaa ee xalay dhexmaray tartamayaasha degmooyinka Waaberi VS Dayniile ayaa noqotay sidan:- Waaberi Sida sharciga barnaamijku yahay degmo walba waxaa tartameyaasheeda la weydiiyaa Todobo Su’aal waxaana su’aallihii la weydiiyey tartamayaasha degmada Waaberi ay si sax ah uga jawaabeen Seddex ka mid ah.afar su’aalna jawaabahooda wey haleeli waayeen,mana jirin wax ka faa’ideysi ah oo ay heeleen sidaasi ayey tartamayaasha degmada Waaberi celcelis ahaan ku keensadeen Lix dhibcood. Dayniile Tartamayaasha degmada Dayniile iyana dhankooda su’aallihii la weydiiyey waxey si sax ah uga jawaabeen Shan ka mid ah,laba su’aalna jawaabahooda wey haleeli waayeen,mana jirin sidoo kale wax ka faa’ideysi ah oo ay heleen waxaana dhibcaha guud ee tartamayaasha degmada Dayniile ay noqdeen Tobon Dhibcood oo ay ku guuleysteen. Degmada Dayniile oo ay tartameyaasheedu usoo gudbeen wareega labaad ee tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan ee warbaahinta Qaranka oo ay taabagelineyso shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa sanadkaan waxey u tahay sanadkii koobaad ee ay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka kasoo qeybgalaan halka degmada Waaberi oo tartanka ka hartay iyana ay sanadkii hore ku guuleysteen tartameyaasheedu koobka tartanka. Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Koobaad Ee Tartan Cilmiyeedka Ramadaan 26-Jully-2012 Waaberi VS Dayniile Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Labaad Ee Tartan Cilmiyeedka Ramadaan 26-Jully-2012 Waaberi VS Dayniile Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Seddexaad Ee Tartan Cilmiyeedka Ramadaan 26-Jully-2012 Waaberi VS Dayniile
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog