Jen. Cabdi Qeybdiid "Go'aan Islii ka soo baxay Galmudug laguma xukumaye, Caalin hadii uu sharci rabo ha yimaado Galkacyo"

Sunday, August 5, 20120 comments


Madaxweynaha cusub ee Maamulka Galmudug Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeeray Col. Maxamed Axmed Caalin, kaasi oo ahaa in doorashadii ka dhacday Galkacyo arbacadii ay aheyd mid sharci daro ah, isla markaana uu wali isaga yahay Madaxweynaha sharciga ah.

Jen. Cabdi Qeybdiid ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashada Maxamed Axmed Caalin, isagoo cadeeyay in isaga si sharci ah lagu doortay.

"Hadii Golayaashii isaga maamulkiisa ka tirsanaa, Xildhibaanadii baarlamaanka ay i doorteen, taas sharci daro ma ahan, hadii uu si sax ah sharci u rabo ha yimaado Galkacyo"ayuu yiri Jen. Cabdi Qeybdiid oo loo doortay Madaxweynaha Galmudug saddexda sano ee soo socota.

Waxaa uu sheegay in aanu khilaaf ka taagneyn xilka madaxtinimada, waxaana uu xusay inuu isaga aaminsan yahay in Galmudug ay wax badan dib uga dhacday maamulada kale, isla markaana uu ku rajo weyn yahay inuu taas wax ka bedelo.

"Ma ahan in Go'aan uu Islii ka soo saaro in lagu xukumayo Galmudug, hadii uu sharci diyaar u yahay Galkacyo ha yimaado Caalin, Galmudug wax badan ayay dib uga dhacday howlaha socda, waxaan ku kalsoonahay inaan taas wax ka bedeli doono"ayuu yiri Madaxweynaha cusub ee Galmudug.

Banaan baxyo lagu taageerayay Jen. Cabdi Qeybdiid ayaa ka dhacay magaalada Galkacyo iyo deegaanada Puntland, iyadoo markii la doortay rasaas dabaal degyo ah oo ka dhacayay qoriga Lidka Diyaaradaha laga ridayay Koofurta Galkacyo.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog