Kulankii u horeeyay oo maanta ay yeelanayaan Gudiga doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Kuxigeenadiisa

Wednesday, August 22, 20120 comments

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay shir ku yeeshaan Gudi 15-xubnood ah oo ah Gudiga qaban qaabada doorashada Gudoomiyaha baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa, kadib markii shalay ay doorteen Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Gudigan ayaa soo saari doona shuruudaha ku wajahan musharaxiinta xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Kuxigeenadiisa, iyadoo shalay ay bilaabatay diiwaan gelinta musharaxiinta xilalkaas u taagan.


Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah Gudiga qaban qaabada doorashooyinka ayaa sheegtay in kulankooda yahay sidii ay uga hadli lahaayeen arrimaha doorashooyinka, isla markaana ay u soo bandhigayaan qaabka doorashada u dhici doonto.


Waxaa ay rajo ka muujisay in doorashada ay u dhici doonto si cadaalad ah, isla markaana ay ka duwanaan doonto sidii hore, iyadoo intaa raacisay in wax badan ka duwan yahay Baarlamaankan cusub iyo kuwii hore ay ka soo mid aheyd, maadaama lagu dhaariyay magaalada Muqdisho.


Maalinimadii shalay ayay aheyd markii Baarlamaanka cusub uu magacaabay Gudiga doorashooyinka gudoomiyaha baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa, waxaana ay ku soo aadeysa iyadoo 26-ka bishan loo asteeyay inay dhacdo doorashada gudoomiyaha baarlamaanka.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog