Gudoomiyaha KMG ee Baarlamaanka Soomaaliya Jen. Muuse Xasan Cabdulle ayaa ku baaqay in la soo dhameystiro tirada ka hartay Baarlamaanka cusub, si loo doorto gudoonka uu yeesho Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Jen. Muuse Xasan Cabdulle ayaa sheegay in lagama maarmaan tahay in la helo tirada harsan, si loo guda galo doorashada ka hor 26-ka bishan, isagoo u jeediyay codsi odayaasha soo xuleysa Xildhibaanada.
"Si loo doorto hogaan cusub, waa in sida la soo dedejiyaa Xildhibaanada dhiman, Odayaasha waxaa ka codsanayenaa inay soo fududeeyaan"ayuu yiri Gudoomiyaha KMG ee Baarlamaanka uu yeeshay.
Waxaa uu sheegay in maanta ay kulmi doonaan Gudiga doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa, si ay u jeexaan qaabkii ay u dhici laheyd doorashada sida uu yiri.
Dhinaca kale waxaa bilaabatay diiwaan gelinta musharaxiinta u taagan xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa, iyadoo ay socdaan musharaxiinta gudbineysa araajidooda ee doonaya inay qabtaan xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Labadiisa kuxigeen.
Odayaasha dhaqanka ayaa ku adkeysanaya in aanay soo bedelin doonin xubnaha ay ku celiyeen gudiga farsamada, waxaana shalay kulan ay la qaateen Ergeyga Qaramada Midoobey Augustine Mahiga, ayna u sheegeen inay dhamaatay hogaamiye kooxeed, si gardaro ahna lagu celiyay xubnaha ay soo xuleen.