Waxaa soo baxaya cadaalad darada iyo musuq maasuqa ay ku kaceen Gudiga Farsamada ee loo xilsaaray eegida Xubnaha Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed usoo gudbiyaan kamid noqoshada Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya.
Gudiga oo markii hore ahaa xaalkooda alow sahal Qurbahana laga soo uruuriyay ayna halkaan keensadeen dad dano gaar ah ka lahaa si ay ugu meel marsadaan danahooda ayaa hadana waxaa soo banaan baxaya ceebahooda iyo cadaalad darada ay ku dhaqaaeen.
Shuruudaha qofka kamid noqonaya waxaa kamid ahaa in Qof aan heesan Shahaado Dugsi sare uusan kamid noqon Baarlamaanka Soomaaliya qofkii Shahaadadaas ugu yaraana heesta xitaa laga doonayay in Qibrad Jaamacad u dhiganta uu heesto.
Waxaa hada soo baxaya Xubno dhoor ah kana mid ah Raga Siyaasada ugu magac dheer ee hada ka mid noqday Baarlamaanka Cusub in xitaa aysan heesan Shahaadada Dugsiga Dhaxe kan sare iskaba daa eena kmid noqdeen Baarlamaanka Cusub halka la celiyay oo la diiday Rag badan oo wata Shahada PHD iyo shaadooyin kale ee Jaamacadeed aqoon duruqsana leh.
Shariif Xasan Sheekh Aadan Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya hadana ah mudane katirsan Baarlamaanka Cusub kana mid ah Shaqsiyaadka u sharaxan in uu Madxaweyne Dalka ka noqdo hadii uu ku guuleesto Dooreashada soo socota.
Shariif Xasan waxa uu ku dhacay Shuruudaha hore ee kamid noqoshada Baarlamaanka Soomaaliya maadama uusan heesan shahaado dugsiga sare ah balse uu kursiga ku fadhiyo awoodiisa iyo Xubnaha Gudiga Farsamada oo u badan rag uu isagu geestay oo Siyaasadiisa ku shaqeenaya.
Masuulkan caanka ka noqday Siyaasada Soomaaliya aqoon ahaan waa nin wax-barashadiisu ay ku siman tahay dugsiga hoose sida laga xaqiijiyey wareysi uu isagu horay u bixiyey ,waana nin Siyaasada kusoo galay lacagtiisa.
Maalmo kahor ayaa soo baxday Fadeexad aheed in Xubno uu watyay Shariif Xasan uuna doonayay in Baarlamaanka Cusub lagu daro aysan heesan Shahaadada Dugsiga sare balse uu isagu ku Hajnabay Shariif Xasan in Shahaado Suuqa taal ayna kasoo iibsanayaan.
Gudiga Farsamada waxa ay ilaa wali kahortaaganyihiin in Xubno beelahooda soo xusheen in ay kamid Noqdaan Baarlamaanka Cusub kuwaa oo qaarkood kan ugu daraja yar uu wato Shahaado Bechlor Degree balse Gudiga Farsamada Dambiyo iyo dacwado aan jirin qoorta u saareen.
Taasina waa mid kamid ah Cadaalada darada kajirta Gudaha Gudiga Farsamada ,Waxa ay sidoo kale Gudiga Farsamada iska indho tireen Qoondadii Haweenka ee Baarlamaanka Cusub oo loogo tala galay aheydna 30% balse aan wali laheyn wax ku dhaw xitaa, beelaha Qaarkoodna rag kaliya keensadeen loona ansixiyay halka kuwa kale Haween sandulo looga dhigay.