Qarax ay ku dhinteen Askar ka tirsan dowladda oo ka dhacay Beledweyn

Thursday, August 30, 20120 comments

Inta la og yahay saddex askari ayaa ku dhimatay afar kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib qarax miino oo lala eegtay Ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Beledweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa mid Ciidamada ay soo qaadeen markii ay ka soo saareen meel laga soo galo magaalada oo lagu aasay.


Gudoomiye kuxigeenka dhinaca amniga Axmed Inji ayaa sheegay in labo askari ay ku dhimatay, labo kalena ay ku dhaawacmeen qaraxa.


"Qaraxa waxaa lagu aasay meel laga soo galo magaalada, Ciidamada ayaa soo helay, markii ay soo qaadeen waa ku qaraxday"ayuu yiri Axmed Inji oo ku eedeeyay in Al-Shabaab ay ka dambeeyaan.


Dhinaca kale Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax ayaa sheegay in xaalada ammaan ee magaalada Beledweyn uu soo hagaagayo, kadib howl galo amniga lagu sugayo oo ay ka sameeyeen xaafadaha magaaladaas.


Magaalada Beledweyn ayaa waxay ka mid ah magaalooyinka ay gacanta ku heyso Dowladda Soomaaliya, halkaasoo ay mararka qaar ka dhacaan dilal iyo qaraxyo lagu bartilmaameedsado ciidanka dowladda iyo kuwa Itoobiya.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog