Seminaar lagu baranayey habka tabinta warbixinada doorashooyinka oo 50 Suxufi loogu qabtay magaalada Muqdisho

Tuesday, August 28, 20120 comments

Tababbarkan oo ahaa mid hal maalin ah ayaa waxaa manta lagu qabtay hotelka SAFARI ee magaalada Muqdisho , waxaana tababarkan bixiyey qarashaadka ku baxayey idaacada DALSAN ee magaalada Muqdisho halka ururka Nusoj ay qeyb ka qaateen abaabulka iyo isu keenida saxafiyiinta.

Agaasimaha idaacada Dalsan Xasan Cali Geesey oo warbixin kooban ka jeediyey tababarka bilawgiisa ayaa ku dheeraaday sababaha ku kalifay idaacada Dalsan iney tababar nuucaan ah soo agaasimaan , waxaana uu sheegay in uu arkay baahiyaha xiligan loo qabo in wariyayaasha Soomaaliyeed la baro habka tabinta doorashooyinka oo dalka markii ugu horeysay lagu qabanayo tan iyo dagaaladi sokeeye.


“Waxaan aad ugu mahad celinaa oo idaacada Dalsan kala qeybgalay gacan siinta tababarkan Xasan Shire oo ah nin si weyn u difaaca xuquuqda aadanaha saaxib dhawna la ah saxaafada oo wax badan la qabtay saxafiyiinta xiligii ay u barakaceen B/Afrika gaar ahaan magaalada Kampala “ayu yiri Xasan Geesey agaasimaha Dalsan.


Sidoo kale waxuu aad ugu mahad celiyey macalimiinti wax ka dhigeysay oo waqti badan u huray wariyayaasha si wax ugu kordhiyaan khibradooda gaar ahaa Cali Xalane oo ka tirsan BBC-da , Liban Abdi Ali , Abdihakim Aynte iyo Barre Bangaladhesh.


Sidoo kale waxuu balanqaaday Mr Geesey in tababararada nuucan ah ay wadi doonaan bahda Dalsan iyagoo kaashanaya hay’adaha daneeya saxaafada iyo shaqsiyaadka saaxibka la ah.


Tababarkan oo ay ka qeybgaleen dhamaan xarumaha idaacadaha iyo TV-yada Muqdisho wariyayaal matalayey waxaa uu ahaa nuucisa kii u horeeyey ee la qabto taarikhda waxaa sidoo kale aad uu ugu mahad celiyey C/raxmaan Xudeyfi oo ah wariye ka maqan dalka oo fikirka qeyb weyn ku lahaa.
















Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog