Madaxweynaha Somalia Shariif Shiikh Axmed ayaa sheegay inuu ku qanci doono natiijada ka soo baxda doorashada madaxweynaha dalka ee afarta sanadood ee soo socota haddii laga iyo guuleysto iyo haddii uu guuleysto intaba.
Isagoo wareysi gaar ah siinayey wakaalaada wararka ee Reuters ayaa waxaa uu intaa ku daray madaxweynuhu in haddii doorasho la galo macnaheedu uu yahay tartan lagaaga guuleysanayo ama aad guuleysaneyso, labada dhinacna ay wax u dhici karaan.
“Aniga ka mid ma ihi dadka kursi jaceyl awgiis waxwalba u sameynaya diyaar ayaan u ahay inaan aqbalo natiijada kab soo baxda doorashada wax walba oo ay tahay guul iyo guul daro intaba," ayuu yiri madaxweyne Shariif oo sii hadlayey.
Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa been abuur aan jirin ku tilmaamay warbixintii uu soo saaray dhowaan guddiga Q/Midoobay u qaabilsan xayiraada hubka Somalia ee ku saabsanayd in madaxda Soomaalida oo isagu uu ku jiro ay malaayiin dollar oo loogu deeqay Soomaaliya lunsadeen.
“Nasiib daro lacag intaas dhan dowlada maba soo gelin waan ka xunnahay warbixinta qaabka loo qoray, waana mid la sameeyay oo been ah, wax cadeyn ahna aan loo heli karin" ayuu yiri madaxweynaha Somalia oo sheegay in dadka warbixinta qoray aysan ku sugnayn dalka, xaalada wadankana waxba kala soconin.