Ugandha ayaa sheegtay iney dayuurado kale oo kuwa dagaalka ah u soo direyso dalka Somalia ka dib markii todobaadkii hore ay dalka Kenya kaga burbureen 3 ka mid ah afar dayuuradood oo ay u soo dirtay Somalia.
Saraakiisha Uganda ayaa sheegay inay qorsheynayaan Somalia iney u soo diraan dayuurado kale oo nooca dagaalka ah kuwaasoo ka qeyb qaadan doona dagaalada ay ciidamada AMISOM kula jiraan kuwa Al-Shabaab.
Jen. Jeje Odongo wasiirka Gaashaandhiga Uganda ayaa sheegay iney ku guda jiraan wada tashiyo ay leeyihiin mas’uuliyiin ka tirsan dawlada Uganda, QM iyo Midawga Africa kuwaasoo ku aadan sidii dowlada Ugandha ay dayuurado kale oo kuwa dagaalka ah ugu xoojin laheyd howlgalka AMISOM ee Somalia ka socda.
Wasiirka Gaashaandhiga Uganda waxaa uu intaa ku daray in hadda ay socdaan qorshayaal ay Uganda ugu soo dirayso Soomaaliya qalab milateri iyo dayuurado kale oo ka qeyb ka gala Hawlgalka dalka ka socda, waxaana uu intaa ku daray in ay ka go’an tahay dowladiisa inay wax badan ka qabato xaalada amaanka Somalia.
Todobaadkii hore ayey aheyd markii ay hawada dalka Kenya ku burbureen saddex ka mid ah afar dayuuradood oo dowlada Ugandha u soo dirtay Somalia kuwaasoo noocoodu ahaa helicobterada dagaalka, waxaana shilalkaas dayuuradeed ku dhintay 7 ka mid ah ciidamada Ugandha halka 15 kale ay dhaawacmeen, iyadoo nolol iyo geerina lagu waayey shan ka mid ah ciidamadaas, waxaana burburka ku dhacay dayuuradahaas uu dib u dhigay weerar ay AMISOM ku qaadi rabtay magaalada Kismaayo.