magaalada Kismaayo oo mar kale La duqeeyay

Wednesday, August 15, 20120 comments

Markab dagaal ayaa saaka mar kale duqeeyay magaalada Kismaayo, iyadoo xaalad cabsi ah ay ka jirto magaalada, waxaana magaalada hareeray hugunka madaafiicda ay soo ridayaan maraakiibta.

Wararka ayaa sheegaya in duqeymaha qaar ay yihiin kuwo ka dhacaya qoryaha lidka diyaaradaha iyo madaafiic ay mararka qaar soo tuurayaan maraakiibta.


Dad ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegay in saaka madaafiicda ay aheyd mid si teel teel u soo dhaceysay, hase ahaatee barqanimadii maanta ay sii xoogeysatay.


Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ayaa la sheegay inay ku jawaabeen qoriga lidka diyaaradaha iyo madaafiicda garbaha laga gano oo jihada maraakiibta ay xigaan u tuuray.


Dekeda magaalada Kismaayo ayaa haawaneysa, iyadoo ay ka baxeen shaqaalihii ku sugnaa, maadaama maraakiibta looga jeedo meel dhow.


Wali lama haayo qasaare ka dhashay duqeymaha, hase ahaatee warar horu dhac ah ayaa sheegaya in ilaa hal ruux oo dhaawac ah uu ka dhashay.


Al-Shabaab ayaa ku eedeeyay Kenya inay duqeyntii habeeno ka hor ka dhacday Kismaayo inay ku xasuuqeen caruur aad u yar, isla markaana ay ka aar-gudan doonaan.


Qaramada Midoobey ayaa walaac ka muujisay duqeymaha qasaaraha dhaliyay ee loo geystay magaalada Kismaayo, iyadoo ugu baaqday dhinacyada dagaalamaya inay u turaan dadka rayidka ah.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog