Taliska ciidanka XDS ayaa sheegay in aysan wax saameyn ah ku yeelandoonin isbedellada siyaasadeed ee dalka ka dhacaya.
Abaaanduulaha ciidamada XDS Gen. C/kariin Dhegabadan oo la hadlayay cutubyo ka tirsan ciidamada XDS ayaa sheegay in ciidamadu aysan faragelineynin siyaasadda gudaha isla markaana aysan saameyn ku yeelandoonin isbedellada siyaasadeed ee dalka ka dhacaya.
‘’ Ciidamada XDS waxey u diyaarsanyihiin difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed mana dooneyno in ay saameyn nagu yeelato isbeddellada siyaasadeed ee dalka ka dhacaya, qabiil iiyo qabyaaladna ma dooneyno in naloo adeegsado, ‘’ ayuu yiri Gen Dhegabadan oo la hadlayay cutubyo ka tirsan ciidamada XDS.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu kula dardaarmay ciidamada in ay iska qabtaan kooxaha labisan dareeska ciidamada ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo sida uu sheegay aan ka mid aheyn ciidamada balse doonaya in ay dhaawacaan sharafta iyo sumcadda ciidamada XDS.
Hadalka Gen. Dhegabadan ayaa imaanaya xilli ciidamada XDS ay guulo wax ku ool ah ka gaareen howlgallada ay dalka kaga xoreynayaan xarakada Al-Shabaab, iyo waddanka oo ku jira xaalad kala guur ah.
