Wakiilka qaramada midoobay ee arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa kulamo leh guddiga farsamada ee xulista xubnaha baarlamaanka iyagoo ka wadahadlaya sidii loogaa qaadi lahaa xayiraada saaran qaar kamid ah xildhibaanada cusub ee ay odayaasha dhaqanka soo gudbiyeen.
Kulankan oo ka dhacay garoonka dayuuradaha ayaa waxaa uu yahay mid kamid ah kulamo maalmahaanba socday oo ku saabsanaa sidii laga yeeli lahaa xubnaha baarlamaanka ee aan weli la siin aqoonsiyadooda kuwaasoo ay diideen guddiga farsamada.
Madaxweynaha waqtigiisa sii dhamaanayo Shariif Sheekh Axmed oo xildhibaanada saaran xayiraada ay yihiin qaar ka soo jeeda beesha madaxweynaha ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay waxa uu waday wadahadalo uu la yeelanayay xubnaha beesha caalamka iyagoo ka wadahadlayay sidii looga qaadi lahaa xayiraada xildhibaanadan cusub.
Waxana uu madaxweyne Shariif dadaal dheer u galay sidii loo xalin lahaa arrimahan taagan isla markaana ay xubnaha baarlamaanka ee aan weli la oggolaan loo fasixi lahaa kahor doorashada guddoomiyaha baarlamaanka oo la iclaamiyey in ay dhaceyso bishan 26keeda.
Xubnaha xildhibaanada xayiraada saaran ayaa u badan hogaamiye kooxeedyo iyo weliba wadaado ka tirsanaa ururkii maxkamada ee ka jirey Soomaaliya. Kulanka maanta ka socda garoonka dayuuradaha oo uusan ka qebgalin madaxweynaha ayaa hase ahaatee waxa uu madaxweyne Shariif Sheekh uu qudhiisu ku sugan yahay garoonka dayuuradaha.
Shalay ayay ahayd markii ay wadakulmeen madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo wakiilo ka socda beesha caalamka ee arrimaha Soomaaliya daneeya iyagoo ka wadahadlay xallinta khilaafkan ka jira dhamaystirka xubnaha baarlamaanka.
Guddoomiyaha kumeelgaarka ah ee baarlamaanka General Muuse Xasan Cabdulle ayaa waxa uu codsaday in si degdeg ah lagu soo dhamaystiro tirade ka dhiman xubnaha baarlamanka ee aan weli la dhaarin oo gaaray illaa lixdan mudane.