Ururka midowga yurub iyo dowaldda mareykanka ayaa waxa ay sheegeen inay ka wal wal ka muujinayaan dib u dhaca ku yimid soo xulista 275ta xubnood ee barlamaanka cusub taa oo ay sheegeen inay caqabad ku noqoneyso ka gudbista xilliga KMG ah oo ku eg bishan August 20keeda.
War saxaafadeed xafiiskiisa Nairobi uu ka soo saaray safiirka mareykanka u qaabilsan arimaha Somalia Jamws swan ayuu ku sheegay in arimaha laga soo sheegayo dalka Somalia ee ku aadan soo xulista barlamaanka cusub ee Somalia iyo musuqmaasuqa lagu hayo kuraasta barlamaanka ay tahay mid mudan in laga gudbo oo dhinacyada soomaalida ay isku taxalujiyaan sidii loo ilaalin lahaa jadwalka doorashada Soomaaliya.
James swan waxa uu tilmaamay in dowladda mareykanka mar kale uu ka digayo in la carqaladeeyo howlaha dalka Soomaaliya uu kaga gudbayo xilliga KMG nimda oo soo bilaabatay sanadkii 2004ta.
Sidoo kale Alex Randon oo midowga yurub u quseeya arimaha Soomaaliya ayaa isna dhankiisa tibaaxay in midowga yurub uu si aad ah uga warhayo arimaha doorashada Somalia, waxana uu sheegay inaan loo dulqaadan doonin dad uu ku sheegay qaswadayaal oo isku dayaya inay is hor’istaag ku sameeyaan doorashada Soomaaliya.
Uqaabilsanaha midowga yurub arimaha Somalia Alex Randos waxa uu dhanka kale ka digay in haweenka soomaaliyeed aan la doodsiin xaqii ay ku lahaayeen barlamaanka cusub loona baahanyahay in odoyaashu ay mudnaanta siiyaan haweenka oo ay dar dar geliyaan howlahooda.
20ka August oo QM ay u qoondeeysay in KMG ay ku egtahay ayaa waxaa ka haray 5 maalin oo kaliya , waxana muuqanaya in wax waliba aysan ku dhameystirmi karin waqtiga ka haray 20 august.