Maxkamad ku taal dalka Mareykanka ayaa $21 Milyan doolarka Mareykanka ku xukunta Jen. Maxamed Cali Samatar oo ahaa Ra'iisul Wasaarihii hore ee Dowladdii kacaanka, kadib dacwad muddo sideed sano soo socotay oo Maxkamadu waday.
Xukunkan oo ahaa mid Maxkamada riday markii ay soo dhamaatay dacwada loo heystay Jen. Samatar oo ilaa 7-ruux ka soo jeeda Somaliland ay ku eedeeyay inuu ka dambeeyay dil ka dhacay magaalada Hargeysa sanadii 1988-dii.
Jen. Samatar oo ku nool Gobolka Virginia ayaa beeniyay eedeynta, isagoo ku tilmaamay go'aanka Maxkamada mid aan cadaalad aheyn, isla markaana aanu isaga wax dambi ah ku lug laheyn.
Todobada ruux ee Soomaalida ah ayaa u gudbiyey dacwada Maxkamada hada xakuntay sanadki 2004 iyaga oo ku adkeysanaya in Mohamed Ali Samantar oo ah 76 jir inuu yahay danbiile dad badan laayey.
Mr. Samatar ayaa qiray in ay jiraan dad la dilay balse uusan isaga sameyn, halka kooxda dacweeysay ay leeyihiin isaga ayaa amray xiligi uu ahaa Wasiirka Gaashaanshiga ee dowladi Maxamed Siyaad Barre.
Qareenkiisa oo la yiraahdo Joseph Peter Drennan ayaa sheegay in ay racfaan ka qaadan doonaan gaar ahaan Maxkamada Mareykanka ee racfaanka.