Waxaa Goordhaw soo dhamaatay Doorashada Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ay u tartameen Dhoor musharax oo u taagnaa qabashada Xilkaasi.
Waxaana Gudoomiye kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ku guuleestay Mahdi C/dulle Cawad oo helay codadkii ugu badanaa ee Doorsahada.
Waxaana Doorashada Wareega labaad ka tanaasulay Musharixiintii kale ee la baratameysay Mahdi C/dulle Cawad iyagoona sheegay in ay u tanaasuleen Mahad in uu noqdo Gudoomiye kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya waqtiga oo cariiri ah darted.
Doorasahdii maanta ka bilaabatay Howlka Shirarka ee Iskool Buluusiyo ayaa kusoo dhamaatay jawi aad u wanaagsan, iyadoona caawa ay Soomaaliya leedahay Gudoomiye Baarlamaan iyo Labadiisa ku xigeen.
Waxaana hada la dhaariyay Gudoomiyaha Baarlamanaka Soomaaliya iyo labadiisa kuxigeen ,waxa uuna Gudoonka KMG ee Baarlamaanka Soomaaliya xilkii ku wareejiyay Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanaa Soomaaliya Prof Jawaari.
Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa mar kale Xildhibaanada u mahad celiyay waxa uuna sheegay in Maalinta berito ay tahay maalin fasax maadaama la daalan yahay maalinta Qamiista ahna la kulmi doono hadana uu shirku xiran yahay.