Meydka wiil ay baddu qaaday oo saaka waaberigii lagu arkay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho

Saturday, August 18, 20120 comments

Xeebta Liido oo ku taala degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa saaka lagu arkay meydka wiil aad u da yar oo baddu ay qaaday saacadihii ugu dambeeyey kaasoo ka mid ahaa dad kumanaan ah oo shalay oo Jimce aheyd xeebtaas u dabaal tegay.

Meydka wiilkaas yar ayaa waxaa saaka goobtaas ku arkay koox dhalinyaro ah oo saaka xeebta Liido alamiinto u tegay kuwaasoo sheegay iney arkeen meydka wiilkan oo Baddu ay ku soo tuurtay jamal xeebta ku yaala dushiisa.

“Wiilka aan aragnay meydkiisa qiyaastii waa da’diisa waa 12 illaa 14 jir jirkiisa waa uu isbedelay guud ahaan wejigiisa lama aqoonsan karo indhaha waa maqan yihiin, sidoo kale waxaa maqan qaar ka mid ah xubnaha jirkiisa sida faraha ku yaala lugaha iyo gacmaha, waxaana ku yaala jirkiisa dhaawacyo yar yar” ayuu yiri Xasan Cali oo ka mid ah dhalinyaro saaka xeebta Liido alamiinto u tegay.

Xasan Cali ayaa intaa ku daray in wiilkaas aysan garaneyn qoyskiisa, ayna meydkiisa ku war geliyeen maamulka degmada C/casiis iyo Booliska oo uu sheegay iney ku sugayaan goobtaas si ay u yimaadaan baaritaana ugu sameeyaan meydka wiilkaas yar, eheladiisana ugu raadiyaan.
 
Xeebta Liido ayaa waxaa Jimce walba u dabaal taga kumanaan ruux oo iskugu jira dhalinyaro, dumar, caruur iyo xitaa waayeelo si ay halkaas ugu soo damaashaad tagaan, waxaana ka mid ah dadka xeebtaas ku dabaalanaya caruur iyo dad kale oo aan aqoon dabaasha taasoo keenta iney baddu qaado, waxaana mararka badan xeebta liido lagu arkay meydadka dad baddu qaaday oo ka dibna ay xeebta ku soo tuurtay.

Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog