Murashax Farmaajo Maxuu kayiri Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo Maanta loo Doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka

Wednesday, August 29, 20120 comments

R/wasaarihi hore ee Somalia Dr Maxamed Cabdilahi Maxamed Farmaajo ayaa waxaa uu hambaliyo iyo boogaadin uu diraya Afhayeenka Cusube ee Barlamanka Somalia Prof Maxamed Cisman Jawaari.

Dr Maxamed Cabdilahi Farmaajo ayaa waxaa uu doraashada Prof Maxamed Cisman Jawaari ku tilmaamay waa cusub oo u baryan ummada Somalia .


" Prof Maxamed Cisman Jawaari wa Aqonyahan mudo dheer Maamul ku soo jiraay isla markana wax weyn ka badali kara marxaalada adag ee ay somalia ku sugantahay iminka ayu yiri Farmaajo"


Afhayeenka Barlamanka waa Shaqo aan sahlanayn waxaana ka bixin kara oo si nadiif ah bulshada ugu adeegi kara qofka wax ka yaqaana Sharciga Prof Maxamed Cisman Jawaari waxaan filaya in uu ka bixi karo dhamaan shurudahas marka waxaan leyahay ilahay xilka aad qadaay ha ku fududeeyo hana kula garab galo.


Dhanka kale Mudane Farmaajo ayaa waxaa uu sido kale hambaliyo u diray Dr Cali Khaliif Galayr oo asaguna mujiyay dadaal badan balse aan nasiib u yeelan in uu haleelo Afhayeenka Barlamanka Somalia.


" Waxaan halkan sido kale ka bogadinaya Dr Cali Khaliif oo asaguna mujiyay dadaal dheeri ah waxaan leyahay waxaad mujisay karti iyo wanag marki aad walalka u tanasushay.


R/wasaarihi hore ee Somalia Dr Maxamed Cabdilahi Farmaajo ayaa waxaa uu sido kale hambaliyo u diray Xildhibanada Cusub ee Somalia oo uu ku shegay geesiyaal uso diyaar garobay in ay dhibatada ka saraan Wadanka Somalia.


"Xildhiibaanada Cusub ee Somalia wa gesiyaal ay ka go,antahay Samata bixinta Qaranka Somaliyeed waxana cadeyn u ah sida nadiifta ah ee ay codkooda u bixiyeen" ayu yiri Formaajo


Farmaajo ayaa waxaa uu sido kale Xildhibanada Cusub ka codsaday in ay Codkooda siyaan si uu u dhamaystiro howlihii qaybyada ka ahaa waxaana uu balan qatay in 4 sano ee so socota uu Somalia cusub dhidibada u taagi doono.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog