Shariif Xasan iyo C/Wali Gaas oo Nin Hawiye ah u wada in uu Noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka (Waa kuma Ninkaasi)

Wednesday, August 22, 20120 comments

Loolanka iyo siyaasada ayaa hada mareysa meeshii igu sareysay iydaoona dhinacyada siyaasada hada isku haya una ordaya Jagada Madaxtinimo ee Soomaaliya y isku dilayaan Qorshayaal farsameesan si loogu kala haro Doorashada Madaxtinimo kahor inta aan la gaarin waqtigii la qaban lahaa.

Shariif Xasan iyo Cabdi Wali Gaas waa labo Nin oo Siyaasad ahaan hada is fahansan kuna heshiyay in labada xil ee Raizul Wasaaraha iyo Madaxwaeynaha kala qaataan hadii ay iyagu guuleestaan inta kalana lacag iyo farsamooyin kale ku reebaan si aysan iyagu ugu adkaan ,inakstoo saaxiib ahaanshahooda waqtiga ay jireyso aad loo koobayo.


Doorashada Madaxweynanimo ee Soomaaliya waxaa hada ugu cad cad Madaxweyne Sheekh Shariif ,Shariif Xasan iyo Cabdi Wali Gaas waxaana saxadan nin Midkood uu ku hari doonaa kahor doorashada Madaxweynanimo taa oo sabab looga dhigayo in sadaxda Beel ay kasoo jeedaan midkood ku fadhiisan doono Gudoomiyaha Baarlamaanka beeshii heshaana aysan u tartami doonin Madaxweyne.


Qorshihii laisku reebi lahaa ayana hada Muqdiasho ka bilowday Shariif Xasan Gudoomiyihii Baarlamanaka iyo Cbadi Wali Gaas Raizul WasarihiiXukuumadii dhacday aya ahada wada olole ee meesha kaga saarayaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyadooan ta abadalkeeda wada in Gudoomiye Baarlamaan uu noqdo Nin Hawiye ah.


Labadan Nin ayaana qorshahaasi wata waxa ayna Gudoomiye u wadaan in uu Noqdo mid kamid ah Gacan yarayaasha Shariif Xasan Sheekh Aadan Kana soo jeeda Beesha Hawaiye ,waa Mustafa Sh. Cali Dhuxulow.


Ninkan ay Watana ayaana ah Nin kazoo jeeda Beesha Hawiye siyaasad ahaan gacanta ugu jiera Shariif Xasan Sheekh Aadan waxa ana hada gudaha Baarlamanaka ka dhax bilowday ololihiisa Dooarsdhado iyadooan loo doonayo in Coddaka loo gado si Kursgiga ugu fadhiisto si Musharixiinta Beesha Hawiye Dhamaan meesha uga baxaan hadii isaga la doorto.


Madaxweyne Sheekh Shariif naftiisa ma mooga waxa socdo isna waxa uu gadaal ka riixaya sidii labadan Nin midkood meesha uga saari lahaa ,waxa uuna isna gadaal ka riixaya Nin kazoo Jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle iyo Majeerteen si Gudoomiye Baarlamaan loogu doorto midkood meeshana uga Baxaan Midkood Shariif Xasan iyo Cabdi Wali Gaas .


Loolanak ragan u dhaxeeya ayaana soo afjarmi doona 26-ka Bishan oo la filayo in la doorto Gudoomiyaha Baarlamanaka Soomaaliya waxaana la saadaalinaya ain 3-Dan Masuul ee Dowladii dhacday ugu sareeyay midkood meesha ka bixi doono marka Gudoomiye la doorto.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog