Waxaa maanta la filayaa in Qaar kamid ah Musharixiinta u taagan Jagada Madaxweynaha Soomaaliya in qaarkood daaqada ka baxaan kadib marka la doorto gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka xiligan waxaa u taagan ilaa 5-Musharax 3-kamid ah Musharixiinta waxa ay kasoo jeedaan Beesha Daarood halka mid kalana uu kasoo jeedo Beesha Digil iyo Mirifle midka kale ayaa isna kasoo jeedo Beesha Dir.
Waxaa la saadaalinayaa in mid kamid ah Musharixiinta Beesha Daarood gaar ahaan Musharax Cali Khaliif galeyr in laga yaabo in uu kusoo baxo Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya taa oo wadno qabad ku noqon doonto kana nixin doonti Cabdi Wali Gaas.
Hadii mid kamid ah Musharixiinta Beesha Daarood uu kusoo baxo Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa halkaasi ugu dhamaatay Cabdi Wali Gaas ,Musharax Maxamaed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo iyo Musharixiin kale oo kasoo jeeda Beesha Daarood.
Dhinaca kale Musharaxa u tartamaya Beesha Digil iyo Mirifle oo ah inta badan nin ay kasoo horjeedaan Beesha Digil Mirifle Xildhibanada Baarlamaanka ugu jira ayaa isna heesta taageerada ugu badan ee Baarlamaanka sida aan wararka ku heleyno waxa uu tagaeero ka helayaa Sheekh shariif Xubnaha taageersan iyo Cabdi Wali Gaas oo doonaya in ay isdhaafiyaan Qatarta Shariif Xasan.
Shariif Xasan ayaana damaciisa in uu Dalka Madxaweyne ka noqdo halkaasi maanta ugu dhamaan doontaa hadii Prof Jawaari uu kusoo baxo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ,Prof Jawaari waana nin tagaeero badan Bulshada hada ku leh waana nin aqoon yahan ah oo hoosha wai kara lana dhoorayo.
Dhinaca kale Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isagu ku qanacsan sida ay hada wax u socdaan waxa uuna sheeda ka eegayaa labada Nin ee ishayaan midka daaqada ka bixi doono ,inkastoo madaxweynaha uu aad u jecelyahay in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu noqdo ninka maanta ku fashilmo musharaxnimadiisa isagoo kaga cabsi qaba lacagta badan uu wato iyo galaangalka uu baarlamaanka ku yeelan karo Shariif Xasan.
Shacabka Soomaaliyeed oo iyagu garsoore ka ah arintaan ayaa aad u dhooraya Doorashada Gudoonka Barlamaanka Soomaaliya iyaghooan isha ku ahay Shaqsiga Gudoomiyaha kusoo bixi doono iyo cida ka hari doonto Musharaxnimada Madaxweynaha Soomaaliya.