Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo dhaq dhaqaaqyo ku aadan qaban qaabada doorashada iyo ammaanka laga dareemayo magaalada oo idil.
Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka ayaa saaka ku qul qulaya Dugsiga tababarka ee Jeneraal kaahiye Ex School Polizio, waxaana Xildhibaanada oo lagu wado basas, ammaankooda aad loo sugayo ay sii galayaan xarunta uu ka dhici doono doorashada.
Ammaanka ayaa ah mid si aad ah loo adkeeyay, iyadoo wadooyinka oo idil ay taagan yihiin Ciidamada Booliska, Nabadsugida iyo Ciidamada Booliska AMISOM.
Xarunta doorashada ka dhaceyso ayaa amnigeeda yahay mid si aad ah loo adkeeyay, waxaana Ciidamada ay ku gedaaman yihiin wadooyin badan iyo hareeraha xaruntaas, iyadoo dhowr goobood lagu baarayo dadka.
Ilaa shan musharax ayaa u taagan doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka, kuwaasoo ay ka mid yihiin Dr. Cali Khaliif Galeyr, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari, C/rashiid Maxamed Xidig, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Xasan Abshir Faarax.
Doorashada Gudoomiyaha iyo labadiisa kuxigeen ayaa dhacaya maanta kaliya, sida uu xaqiijiyay Gudoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka, iyadoo ka hor inta aan la qaban doorashada la dhaarin doono Xildhibaano liisaskooda la soo gudbiyay.
Codka doorashada ayaa noqonaya mid qarsoodi ah, kaasoo sanaadiiq la diyaariyay ay Xildhibaanada ay ku shubi doonaan cododkooda cida ay dooranayaan.
Doorashada dhaceysa ayaa saddex ahmiyadood kala duwan wadata, iyadoo taariikhda ay galeyso in Gudoomiyihii u horeeyay Baarlamaan Federaal ah lagu doorto magaalada Muqdisho, kadib markii Xildhibaanada Baarlamaanka lagu dhaariyay, sidoo kale waxaa kaloo muhiimad ah in wajiyo cusub lagu arki doono, kaasoo noqoneysa wax ku cusub saaxada siyaasada oo ka duwanaan doonta hababkii hore loo bartay.
Habka awood qeybsiga horay wax loogu qeybsan jiray ayaa laga yaabaa inay is bedel ku timaado, gaar ahaan wajiyadii horay loo yiqiin, sida Gudoomiyaha Baarlamaanka oo habka awood qeybsiga beelaha lagu heli jiray, hase ahaatee waxaa xilligan tartan ka wada dhaxeeya dhamaan shanta beelood.
Cida ku guuleysata doorashada ayaa waxay kala cadaan doonta qofka Madaxweynaha ku soo bixi doona ama beesha heli doonto, tusaale ahaan, hadii Prof. Jawaari guuleysto waxaa meesha ka baxaya hankii Shariif Xasan ku doonayay inuu Madaxweyne ku noqdo maadaama uu musharax yahay.
Sidoo kale hadii midkood uu ku guuleysto xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka sida Dr. Cali Khaliif Galeyr ama Xasan Abshir waxaa meesha ka baxaya musharaxiin badan oo beeshaas ka soo jeeda sida Ra'iisul Wasaarihii hore Dr. C/wali gaas, Farmaajo iyo ragga kale ee soo raaca.
Lama oga sida ay saadaashu noqon doonto, hase ahaatee dadka Soomaaliyed ayaa isha ku haya doorashadan oo ah mid saacado badan ay qaadan doonto si lagu kala baxo.