Wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya ayaa ugu hambalyeesay ciidamada XDS iyo kuwa ka socda midowga Africa ee AMISOm guulahii ay ka gaareen howlagalkii shalay ka dhacay qeybo ka mid ah Gobolka Sh/hoose.
Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Maxamuud Macalin Nuur oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa Ciidamada Qalabka ee Soomaliya iyo kuwa midowga Africa ugu hambalyeeyay guulihii ay ka gaareen dagaaladii Al-shabaab ay uga saareen deeganno badan oo ka tirsan gobolka Shabeelada hoose oo ay ka mid tahay magaala madaxda gobolkaasi ee Marko iyo deeganada ku xeeran.
Wasiiru dowlaha ayaa Ciidamada kula dardaarmay in ay ka feejignaadaan Dhibaato uga imaan karto haraadiga ku dhuumaaleysanaya gudaha deegaanadii shalay ay gacanta ku dhigeen ciidamada.
Maxamuud Macalin Nuur Wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga ayaa dhinaca kale ugu baaqay Musharaxiinta u tartamaysa xilka Guddoonka cusub ee baarlamaanka in ay ka shaqeeyaan Nabadda ayna ilaaliyaan Amaanka dalka.