Yuusuf Garaad oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaaladda Muqdisho (Daawo Sawiradda+Video)

Saturday, August 11, 20120 comments

Saxafiga caanka ah ee Yuusuf Garaad ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaaladda Muqdisho, iyadoona dad badan ay maanta kusoo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Muqdisho.

Tifaftirihii hore ee Idaacadda BBC-da Yuusuf Garaad ayaa dadkii soo dhaweeyay waxaa kamid ahaa siyaasiyiin iyo dad kale oo caan ka ah magaaladda Muqdisho.

Markii uu soo gaaray Magaaladda Caasimadda ah ayaa Yuusuf Garaad waxaa uu saxaafada uga warbixiyay socdaalkiisa Magaaladda Muqdisho waxaana uu sheegay in qorshahihiisa uu yahay in uu ku biiro siyaasadda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in mudo badan ay ugu danbaysay Soomaaliya, haatana uu doonayo in uu ka qeyb qaato sidii dalka uu gacahiiisa isugu taagi lahaa.

Waraysi uu dhawaan bixiyay Yuusuf Garaad ayaa waxaa uu sheegay in uu doonayo in uu ku biiro Siyaasadda Soomaaliya, waxaana loo badinayaa in uu kamid yahay MUsharaxiinta madaxweyne.






Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog