Waxaa maanta magaalada Muqdisho shir jaraaid ku qabtay xubnihii guddiga farsamada soo xulida baarlamanka ay diideen iney xildhibaano noqdaan hase ahaatee maxkamada sare ay fasaxday lana siiyey kaararkii aqoonsiga inkastoo aan weli dhaarin.
Xubnahan oo u badnaa hogaamiye kooxeedyadii hore ee Somalia hase ahaatee markii dambe ka qeyb qaadanayey geeddi socodka nabada ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho ka dib waxaa saxaafada la hadlay Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo gudoomiye Baarlaman iyo xilal kale ka soo qabtay dowladii KMG aheyd ee xiligeedu dhamaaday.
Shiikh Aadan Madoobe ayaa sheegay iney cambaareynayaan siyaasiyiin ay ka mid yihiin raisul wasaarihii hore C/weli Gaas iyo madaxaweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo uu sheegay iney ka dambeeyaan iska hor taaga lagu sameeyey iney ka mid noqdaan xildhibaanada Baarlamanka.
Waxaa uu ku eedeeyey siyaasiyiintaas iyo qaar kale inay carqadaleynayaan hanaanka dib u heshiisiineed ee Somalia iyo qorshada socda ee la doonayo in nabad loogu soo dabaalo dalka, wuxuuna xusay in arintaas aysan shaqeyn doonin, wuxuuna meel ka dhac ku tilmaamay in dembiilayaal lagu tilmaamo iyadoo aysan jirin maxkamad xukun ku riday.
“Guddiga dhowaan baarlamanku uu saaray arinteena waa ka caga jiidaayaan iney xaliyaan, waxayna ka soo horjeedaan go’aankii ka soo baxay maxkamada sare ee dalka oo ahaa inaan ka mid noqon karno xildhibaanada Baarlamanka” ayuu intaa ku daray Aadan Madoobe.
“Guddiga dhowaan baarlamanku uu saaray arinteena waa ka caga jiidaayaan iney xaliyaan, waxayna ka soo horjeedaan go’aankii ka soo baxay maxkamada sare ee dalka oo ahaa inaan ka mid noqon karno xildhibaanada Baarlamanka” ayuu intaa ku daray Aadan Madoobe.
Shiikh Aadan Madoobe ayaa sheegay in guDdiga xildhibaanada ah ay sheegeen in arintooda la xalinayo, doorashada madaxweynaha ka dib taasoo uu sheegay iney tahay cadaalad daro iyo sinaan la’aan.
“Arintaas waan ka soo horjeednaa maxaa yeelay waxaa nala dhaafiyey doorashada gudoomiyaha Baarlamanka, wax la qaadan karona maaha in tan madaxweynaha ay sidaas nagu dhaafto maxaa yeelay anagu waxaan metelnaa beelo, suuragalna maaha in beelaheena ay cod ku yeelan waayaan doorashada hogaanka dalka xaqa ay beelaha leeyihiin oo kale ayey iyana leeyihiin” ayuu intaa ku daray Shiikh Aadan Madoobe.
Waxaa kulanka maanta ka qeyb galay xubno badan oo ka mid ahaa xubnaha la diiday oo ay ka mid ahayeen Maxamed Ibraahim Xaabsade, Cumar Maxamed Maxamuud (Filish), Maxamed Qanyare Afrax iyo qaar kale.
Shabakada gubtanews
Muqdisho - Somalia
gubtanews@hotmail.com
www.gubtanews.com
