Baarlamaanka Soomaaliya ayaa haatan kulan ku leh Xarunta Golaha shacabka, iyadoo ay xiran tahay Wadada Maka Al-Mukarama, halkaasoo ay ku sugan yihiin Ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabadsugid oo dadka iyo gaadiidka u diidaya inay maraan.
Kulanka Baarlamaanka oo ah kii labaad oo ay isugu yimaadaan Mudanayaasha ayaa waxaa shir gudoominaya Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Cismaan Jawaari.
Xildhibaanada ayaa ka doodaya qodob dastuuri oo ah shuruudaha hor-yaala Musharaxiinta, kaasoo ku aadan in laga doonayo musharax kasta inuu heysto 20-Xildhibaan saxiixooda, iyo shuruudaha kale ee ah inuu yahay Muwaadin Soomaali, Dambi culus aan ka gelin dalka, iyo in da'diisa ka yareyn 40-sano.
Inkastoo Musharaxiinta ay faraha ka bateen, hadana waxaa muuqata in qodobada qaar ee shuruudaha in ay noqoto mid lagu kala reebi doono.
Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanada qaar ay diidan yihiin qodobka ku saabsan in Musharax walba uu heysto saxiixa 20-Xildhibaan, taasi oo meesha ka saari karta galaan-galka Xildhibaanka u geli karo in codkiisa ka iibsado Musharaxiinta oo uu qiimo walba uu ku sheegto.
Kulanka Baarlamaanka ayaa la dhowrayaa inay go'aano ka soo baxaan, iyadoo suura gal tahay in cod loo qaado shuruudaha la saarayo musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Maalinta berri ayay bilaaban doontaa araaji qabashada musharaxiinta, waxaana ay ku eg tahay 6-da bisha, si 10-ka Bishan ay u dhacdo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.