Males Zenawi oo maanta aas qaran loogu sameynayo Addis Ababa iyo Madax ka socota Caalamka oo ka qeyb galeysa

Sunday, September 2, 20120 comments

Madax badan oo ka socda wadamada Afrika ayaa ka qeybgalay aaska loo samaymayo R/wasaarihii hore ee Ethiopia Meles Zenawi oo lagu aasayo maanta magaalada Addis Ababa.

Zenawi ayaa ku geeriyooday dhamaadkii bishiihore magaalada Brussels ee dalka Biljimka isagoo 57jir ah. Meles Zenawi ayaa qabtay xilka madaxtinimada sanadkii sanadkii 1991 waxana la sheegay in uu horumar gaarsiiyey dalka Ethiopia inkastoo cambaareyn badan loo jeediyey sida uu ula dhaqmay mucaaradka dalkiisa.


Aaska qaran ee loo samaynayo R/wasaarihii hore ee Ethiopia ayaa ah kii ugu horeeyey oo muddo siddeetan sano ah laga qabo dalka Ethiopia waxaana uu aaska qaran ee loo samaynayo uu ka bilaabanayaa fagaaraha Meskel ee bartamaha magaalada Addis Ababa.


Madax badan oo ka socda dalalka Afrika aya ka qeybgalaya aaska loo samaynayo Zenawi waxaana ka mid ah madaxda ka qeybgalaysa Madaxweynaha xilligiisa sii dhamaanayo ee Soomaliya Shariif Sheekh Axmed.


Sidoo kale hogaamiyaha dalka Sudan Omar Hassan Albashir ayaa ka mid ah madaxda ka qeybgalaysa aaska R/wasaarihii hore ee Ethiopia Sanawi.


Meles ayaa waxaa bedelaya ku xigeenkii Hailemariam Desalagn oo 47 jir ah kana soo jeeda koofurta dalka Ethiopia, waxana uu si rasmi ah ula wareegayaa talada dalka Ethiopia kadib aaska Meles Zenawi isagoo hogaamin doona dalka Ethiopia illaa laga gaaro doorashada 2015.


 
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog