Baarlamaanka oo loo gudbinayo shuruudaha adag ee lagu kala reebayo Musharixiinta Madaxweynaha

Sunday, September 2, 20120 comments

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalinta berri ka doodaya shuruudaha adag ee lagu soo rogi doono musharaxiinta faraha badan ee u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya.

Gudiga doorashada ayaa sheegay in musharax walba laga rabo 10,000 doolarka Mareykanka oo diiwaan gelin ah.

Afhayeenka Gudiga doorashada Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim ayaa sheegay in musharax kasta looga baahan yahay inuu soo gudbiyo arjigiisa iyo warqad ay ku cadahay taariikhdiisa waxbarasho iyo mid shaqo.

"Musharaxa waa inuu muwaadin Soomaali yahay uu u tartami karo xilka Madaxweynaha, waa inuusan dambi culus oo ay maxkamad xukuntay uusan gelin, in da'diisa ugu yaraan ahaato 40-sano"ayuu yiri Xildhibaan Cismaan Libaax oo Wariyeyaasha la hadlay markii uu soo dhamaaday kulanka gudiga doorashada.


Mar wax laga weydiiyay arrinta ku saabsan in musharax kasta laga doonayo inuu heysto saxiixa 20-xildhibaan oo taageero u haya, ayaa waxaa uu sheegay in arrintan ay uga fursan waayeen Baarlamaanka, isla markaana maalinta berri la hor-geyn doono.


Doorashada xilka Madaxweynaha ayaa waxaa ay dhici doonta 10-ka bisha September, iyadoo laga yaabo in musharaxiinta faraha badan ee u taagan in lagu kala reebo shuruudaha ay gudiga soo gudbiyeen iyo go'aanka laga filayo ee Baarlamaanka gaari doono, si lagu kala reebo.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog