Markab dagaal oo caawa soo is-taagay xeebta magaalada Kismaayo ayaa duqeeyay Dekeda iyo agagaarkeeda, iyadoo cabsi iyo qal qal ku abuurantay dadka ku nool ee magaalada.
Sida ay sheegayaan wararka Markabka dagaalka ayaa dhowr gantaal ku riday Dekeda Kismaayo iyo Xaafadaha ku dhow dhow, inkastoo aan la ogeyn qasaaraha ay geysteen.
Dadkii ku dhaqnaa xaafada u dhow dhow Xeebta ayaa isaga barakacay todobaadyo ka hor, iyagoo u guuray xaafadaha kale, markii dhowr jeer ay maraakiib duqeeyeen.
Xoogag ka tirsan Al-Shabaab ayaa caawa isku gedaamay xaafadaha ku dhow dhow Dekeda Muqdisho, si ay u difaacaan hadii dhanka badda laga soo weeraro.
Duqeynta caawa loo geystay magaalada Kismaayo ayaa ku soo aadeysa, iyadoo maanta lagu soo bandhigay fagaare ku yaal Saldhiga magaalada Meydadka ilaa afar askari oo labo ka mid ah ay ahaayeen Ciidamada Kenya.