Dagaalo xoogan ayaa maanta mar kale dib uga qarxay deegaanadii shalay lagu dagaalamay ee Gobolka Jubada Hoose, iyadoo dagaalka maanta ay qaadeen Ciidamada huwanta oo ka jawaabayay weerarkii shalay dagaalyahanada Shabaab ku soo qaadeen degmada Afmadow iyo deegaanada ku dhow dhow.
Sida ay sheegayaan wararka dagaalka maanta ayaa ka duwanaa dagaaladii hore, waxaana ka qeyb qaadanayay diyaaradaha dagaalka sida Helicoptero iyo kuwa Miiga ah.
Ciidamada dowladda, Raaskambooni iyo Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ayaa qabsaday deegaanka Miido oo qiyaastii 25-KM u jira Afmadow, halkaasoo aheyd deegaanadii shalay lagu dagaalamay, sidoo kale waxaa ay la wareegeen Tuulada Harboole.
Sarkaal ka tirsan Ciidamada Raaskambooni ayaa warbaahinta Muqdisho u sheegay inay qabsadeen deegaanadaas, isla markaana ay jabiyeen Shabaab.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Axmed Yare ayaa sheegay in haatan ay wax yar u jiraan deegaanka Birta Dheer oo ah deegaan istiraatiiji ah, halkaasoo uu xusay inay Al-Shabaab isaga baxeen.
Dagaaladii maanta ka dhacay deegaanada u dhaxeeya Afmadow iyo Kismaayo ayaa ku soo beegmaya, iyadoo shalay dagaalo faraha looga gubtay uu ka dhacay gudaha Afmadow iyo duleedyadeeda oo ay Al-Shabaab weeraro ku soo qaadeen.