Barakac sababay duqeyntii xalay oo saaka ka bilowday magaalada Kismaayo

Sunday, September 2, 20120 comments

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in saaka barakac uu ka bilowday, kadib markii xalay Markab dagaal uu duqeyn u geystay Dekeda Kismaayo iyo nawaaxigeeda.

Sida ay sheegayaan wararka barakacan ayaa xoogiisa ka socda xaafadaha qaar ee dhaca dhanka Xeebta, iyadoo warar kala duwan ka soo baxayaan qasaare la sheegay inay ka dhasheen duqeyntii xalay.


Maraakiibta dagaalka oo dhowr xabo ahaa ayaa taagan meel u dhow Xeebta, oo dadka ay sheeda ka arkayaan, waxaana ay keentay in dadka ay cabsi uga barakacaan qeybo ka mid ah magaalada.


Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan ayaa sheegay in duqeyntii xalay ay aheyd mid sahmin ah, oo ay ku garaaceen saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Dekeda.


Xaalada magaalada Kismaayo ayaa aheyd mid cakiran tan iyo markii Ciidamada huwanta ay soo saareen culeysyo dhulka, cirka iyo badda ah, iyadoo magaalada ay tahay magaalo muhiim ah oo Al-Shabaab ka soo gala dhaqaalaha faraha badan.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog