Tababarkan oo socday muddo 4 Bilood ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyey shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom, iyadoo ay ka faa’iideysteen Haween ka kala yimid Gobolada dalka.
Ugu yaraan 12 gabdhood oo ka mid ah Ummulisooyinka Gobollada Gedo, Bay, Bakool, Shabellaha dhexe, Banaadir iyo shabellaha Hoose oo ka mid ahaa Gabdhihii ka faa’iideystay Tababarkan ayaa sheegay inay si wanaagsan wax u barteen intii uu socday tababarkuna ay fahmeen wax badan oo aysan ku bararugsanaan jirin isla markaana aysan jiri doonin gabar danbe oo soomaaliyeed oo ciidda lagu dhaliyo.
“tababarkaan waxaan ku baranay waxyaabaha ay u baahan yihiin Hooyada iyo dhallaanku sida :- In ciddiyaha layska jaro xilliga ummulinta, qalabka qaliinka oo lagu dhaqo biyo kulul iyo kalooriin, nafaqeynta carruurta, in lacabiro dhiigga hooyada kahor xilliga ummulinta, iyo waxyaabo kale oo badan” sidaa waxaa yiri mid ka mid ah gabdhaha tababarka loosoo gabagabeeyey.
Cali Shiikh Yaasiin (Cali fadhaa) oo ka mid ah Mas'uuliyiinta Shirkada Hormuud ayaa sheegay inay tababarkaan ugu talo galeen inay uga faa’iideeyaan qaar kamid Haweenka Ummulisooyinka ah ee ka howl gala Gobollada Dalka, waxaana ugu danbeyn lagudoonsiiyey dhamaan ka qayb galayaashii Tababarka Qalabka Ummulisooyinka, iyagoona si weyn uga mahad celiyey.
Dhaqaatiirtan ayaa uga mahad celiyey shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom howshan wanaagsan oo ay qabatay, iyagoona sheegay inay arrintan uga faa’iideyn doonaan Ummulisooyinka kale ee ka howl gala Gobolada ay ka yimaadeen.
Waa markii ugu horeysay oo tababar nuucaan oo kale ah loo fidiyo Haweenka la tacaala Hooyada iyo dhallaanka Gobollada koonfureed ee Soomaaliya.