Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay la'dahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen Askar ka mid ah Ciidamadeeda, kadib dagaalo labadii maalmood ka dhacay inta u dhaxeysa Kismaayo iyo Afmadow.
Afhayeenka Milateriga Kenya Emannuel Chirchir ayaa sheegay in shan ka mid ah Askartooda ay weysan yihiin, isagoo qiray in 7-ka mid ah gaadiidkooda looga gubay dagaaladii maalin ka hor ka dhacay deegaano u dhow dhow Afmadow.
Waxaa uu sheegay in dagaaladii dhacay ay Al-Shabaab kaga dileen ilaa 36-askari, halka ay ka furteen saanad milateri, isagoo xusay in saddex dhaawac oo Ciidamadooda ah la gaarsiiyay magaalada Dhoobley.
Dhinaca kale Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xaamud ayaa dhankiisa waxaa uu xaqiijiyay in ay la'yihiin shan askari oo ka mid ah Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Kenya, isagoo beeniyay Meydadka lagu soo bandhigay Kismaayo ay ahaayeen Ciidamo AMISOM.
"Waa naga maqan shan askari oo aan la'nahay, labo askari oo ciidamada Soomaalida waa dhimatay"ayuu yiri Col. Xaamud oo intaa ku daray in Meydadka Shabaab soo bandhigeen ay ahaayeen dhaawacyo ka tirsan dowladda oo ay kala baxeen Isbitaal ku yaal Afmadow.
Maalin ka hor ayay aheyd markii dagaalo faraha looga gubtay uu ka dhacay deegaano u dhow dhow Afmadow, iyadoo qasaare lixaad leh uu ka dhashay dagaaladaas oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamayay.