Burcad badeed dishey mid ka mid ah shaqaalaha markab ay afduub u haysteen muddo labo sano ah

Sunday, September 2, 20120 comments

Burcad badeed Soomaali ah ayaa dishey mid kamid ah shaqaalaha markab ay afduub u haysteen muddo labo sano.

dilka ayaa yimid kadib markii burcad badeeda ay waayeen dalabkii ay ku doonayeen in madaxfurasho looga siiyo markabka. Ninka la diley ayaa la sheegay in uu u dhashay dalka Siiriya waxyna burcad badeedu sidookale ay dhaawaceen ruux kale oo ka mid ah shaqaalaha markabkaa sida uu sheegay hogaamiyaha kooxda burcad badeeda ah.

Dilka ay geysteen burcad badeeda ayaa ah tii ugu horeysey ee ay burcad badeedu fuliyaan iyagoo ka cabanaya inay soo daahday madaxfurashadii ay dalbadeen.

Xasan Cabdi oo ah hogaamiyaha burcad badeeda oo ku sugan Xaradheere ayaa sheegay in dilka uu yahay fariin loo dirayo milkiilaha markabka MV Orna oo laga soo afduubtay Seychelles sanadkii 2010.

"Dilka waa fariin aan u diryeno milkiilaha markabka kadib markii uu diidey in uu bixiyo lacag madax furashaha ah,"ayuu Xasan Cabdi sheegay isagoo ku hadlayay taleefanka.

"Qaar kale ayaan dili doonaa haddii la diido in la bixiyo lacagta aan dalbanay, labo sano waa ku filan tahay sabirkeena,"ayuu si xanaaq ku jira ku yiri Xasan Cabi.

Markabka MV Orna waa markab xamuulka qaada oo ku safrayay calanka Panama waxaana leh shirkad fadhigeedu yahay Isutagga Imaaraadka Carabta.

Markabkan ayaa burcad badeedu afduubatay isagoo maraya meel u jirtay illaa 400 mile Seychelles kadib markii ay ku rideen rasaas iyo bambooyinka laga tuuro qoryaha bishii December 2010.

Bishii May sanadkii hore ayaa tiro ka mid ah burcad badeeda iyo shaqaalihii saarnaa markabka waxaa qasab ay noqotay inay ka cararaan kadib markii uu dab ka kacay markabka gudihiisa sida uu xaqiijiyey hogaamiyaha kooxda burcad badeeda ee afduubka mudada labada sano ah u haysatay markabka.

Weerarada kooxaha burcad badeeda ay ka geystaan xeebaha Soomaaliya ayaa hoos u dhaqday sanadkan iyadoo lixdii bilood ee ugu horeysey ee sanadkan ay ahayd 69 weerar halka sanad ka hor ay ahayd 163 weerar oo ay burcad badeedu qaaday.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog