Musharax Salaad Cali Jeelle oo kamid ah Raga u tartamaya Doorsahada Madaxtinimo ee Soomaaliya ayaa Khudbad aad u qosol badneed jawagii Baarlamaankana wax badan ka badashay ka jeediyay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Salaad Cali Jeelle waxa uu ka hadlay Wax qabadkiisa hadii loo doorto in uu Madaxweyne Dalka ka noqdo waxa uuna adeegsanayay Salaad qaab faneed uu Xildhibaanada kaga qoslinayay iyadoona mar qura Madasha Baarlamaanka ay isku badashay Qosol iyo sacab.
Waxa uu si dad badan Salaad Cali Jeelle u weeraray Madaxdii Dowladahii KMG ahaan jiray gaar ahaan tii ugu damb eeysay uu sheegay in aysan wax badan qaban balse ay dhaqaalo badan xadeen ayna jeebka ku gurteen.
Salaad Cali jeelle waxa uu intaa ku daray in uu wax badan ka badali doono Xaalada Dalka Soomaaliya uuna dhisi Doono Dowlad aad u heer sare oo dadka danyarta iyo qof walbo wax u qabata.
Khudbada Salaad Cali Jeelle oo Qosolka Badan oo Qoraal ah ayaan halkana qeyb kamid ah idinkugu soo gudbineynaa.
Khudbada Salaad Cali Jeelle oo Qosolka Badan oo Qoraal ah ayaan halkana qeyb kamid ah idinkugu soo gudbineynaa.
Shabakada gubtanews
Muqdisho - Somalia
gubtanews@hotmail.com
www.gubtanews.com
