Fu'aad Shongole "Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska waxaa Soomaaliya ka jooga Ciidan iyo Muqaabarad"

Saturday, September 8, 20120 comments

Sheekh Fu'aad Maxamed Khalaf oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab ee madaxooda la dul dhigay malaayiin doolar ah cidii soo sheegta halka ay joogaan ama macluumaad ka heysa ayaa shalay salaadii jimcaha kadib Masaajid ku yaal degmada Diinsoor ee Gobolka Baay kula hadlay dadweyne fara badan.

Fu'aad Shongole oo markii labaad ay tahay oo fagaare ka hadlo tan iyo markii Mareykanka dhowr bilood ka hor soo saaray Liiska ragga Mareykanak madaxooda dul dhigay malaayiinta doolarka, isagoo sheegay in dagaalka ka socda Soomaaliya yahay dagaal Diin ku saleysan.


Waxaa uu sheegay in ilaa shan dowladood Afrikaan ah ay u adeegayaan dalalka reer galbeedka, kuwaasoo uu ku sifeeyay inay yihiin eeyayaal sida uu yiri.


"Shan wadan oo Afrikaan ah ayaa halkan Ciidamo ka joogaan, waxay ka amar qaataan Gaalada Marekanka ugu horeeyo waa Brundi, Uganda, Kenya, Itoobiya iyo Sierra Leone"ayuu yiri Fu'aad Shongole.


Waxaa uu sheegay in 1993-dii ay Soomaaliya ay ku soo duuleen ilaa 50-Dowladood Mareykanka hogaaminayay, isagoo xusay inay dagaalo la galeen Mujaahidiin, isla markaana Ciidamada haatan ku sugan Soomaaliya ay uga saarayaan si la mid ah Ciidamadii UNISOM sida uu yiri.


"Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska waxaa ka jooga Soomaaliya Ciidan, Muqaabaraad iyo naago qaawan, dagaalka nuucaas ah diin ayuu ku dhisan yahay, idin kama tagayaan ilaa aad ka gaalowdaan oo Diinta idinka saaraan"ayuu yiri Fu'aad Shongole.


Tan iyo markii Ina Shongole lagu daray liiska ragga Shabaabka ugu sareeyay ee madaxooda la dul dhigay malaayiinta doolar ayaa waxaa uu ka gaabsaday fagaarayaasha, isagoo ahaa hogaamiyaha inta badan Fatwooyinka iyo Muxaaradaha ka jeedin jiray fagaarayaasha deegaanada Shabaab gacanta ku hayeen.





Shabakada gubtanews
Muqdisho - Somalia
gubtanews@hotmail.com
www.gubtanews.com
 
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog