Ciidamada dowlada KMG ah iyo kuwa AMISOM oo wata taangiyo iyo hub kale oo culus ayaa ku sii siqaya degmada Warshiikh oo ka mid ah degmooyinka dhaca xeebta ee hoos yimaada gobolka Sh/dhexe.
Talaabadan ayaa ka dambeysay ka dib markii ciidamada labada dhinac oo iskaashanaya ay gaareen degaanada Ex-garoonkii dayuuradaha Cisaley iyo dekedii hore ee Ceel macaan oo ku yaala dhulka loo yaqaano deexda ee u dhexeeya gobolada Banaadir iyo Sh/dhexe.
Xoogagii Al-shabaaboo markii horeba degaanadaasi ka joogin ciidamo awood leh oo difaaca ayaa goobahaas baneeyey iyagoo aan sameynin wax iska caabin ah oo sidaa u weyn, waxayna ku baxeen degmooyinka Warshiikh iyo Cadale.
Gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe ee DKMG ah Cabdi Jiinow Calasow oo shalay booqday degaanada Ceel-macaan iyo Warshiikh ayaa sheegay in gacan ku dhigida degaanadaas ay fududeyneyso in sidoo kale xoogag Al-shabaab laga saaro degaano kale sida Warshiikh cadale Jowhar iyo meelo kale oo ka sii fog.
Saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa sheegaya iney haatan wadaan sahan ay ugu jiraan sidii ay ku gaari lahaayeen degaano kale oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe sida degmada Warshiikh oo ay sheegeen iney dhowaan ku talo jiraan iney gaaraan, waxayna saraakiisha intaa ku dareen in magaalada Jowhar haatan la gaaray xiligii lagala wareehi lahaa Al-shabaab
Shabakada gubtanews
Muqdisho - Somalia
gubtanews@hotmail.com
www.gubtanews.com



