Ilaa 5-musharax oo ay ku jiraan Ra'iisul Wasaarayaashii hore oo buuxiyay shuruudaha doorashada

Wednesday, September 5, 20120 comments

Gudiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in ilaa shan musharax ay buuxiyeen shuruudaha Tartanka doorashada Madaxtinimada Soomaaliya.

Afhayeenka Gudigan Xildhibaan Cismaan Libaax ayaa sheegay in warqadaha foomamka ay qaateen ilaa iyo 33 musharax balse shan kaliya ay ka soo gudbeen kuwaasi oo bixiyey lacagihi dibaajiga ahaa iyo helitaanka soo jeedinta 20-xildhibaan.


Shanta ruux ee buuxisay shuruudaha ayaa waxaa ka mid ah Ra'iisul Wasaarayaashii hore Dr. C/wali Gaas iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo, Dr, C/raxmaan Macalin Cabdulaahi (Baadiyow), C/waaxid Cilmi Goonjeex iyo Siyaasiga C/llaahi Axmed Cadoow.


Musharaxiinta tagay xarunta Gudiga doorashada ayaa waxaa ka mid ahaa Dr. C/wali Gaas oo sheegay inuu isaga buuxiyay shuruudaha laga rabay Musharaxiinta, waxaana uu ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka inay doortaan qof dalkan wax u qabtay, waxna ka tari kara mustaqbalka soo socda.


Maalinta berri ayay ku egtahay qabashada araajida musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya, iyadoo wali ay dhiman yihiin musharaxiin aan gudbin codsigooda, waxaa ka mid ah Madaxweynaha xiligiisu dhamaaday Shariif Sheekh Axmed oo ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha.


10-ka bisha ayaa la filayaa inay dhacdo doorashada madaxtinimada Soomaaliya, iyadoo aan la ogeyn cida noqon doonta Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.



Shabakada gubtanews
Muqdisho - Somalia
gubtanews@hotmail.com
www.gubtanews.com
 
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog