Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa shalay ka duulay magaalada Muqdisho, isagoo casuumaad gaar ah ka helay guddoomiyaha shirkadda SKA oo ah shirkada qaabilsan dayactirka, qalabeynta & socodsiinta howlaha ka soconaya garoonka dayuuradaha Muqdisho.
Xogta ku saabsan ujeedada kulanka labadda nin oo aan ka helnay ilo ku sugan magaalada Dubai ayaa tilmaamaya in Shariif Xassan lagala hadlay sidii uu u taageeri lahaa in tartanka doorashada uu ku guuleysto Sheekh Shariif, waxaana sida uu ku soo waramayo mid ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee ku dhowdhow labadda nin, uu sheegay in cadaadis xooggan lagu saaray Shariif Xassan inuu mowqif cad ku qaato arrinta doorashadda.
"Sidaad la socoto labaddan nin (Shariif Xassan & Sheekh Shariif) waa labbo nin oo xididnimo ka sokow, haddana uu ka dhexeeyo ganacsi, oo shirkadan waxey ku leeyihiin saami, wuxuu madaxa shirkadda kala hadlay Shariif Xassan in si aaney qiil-qiil u gelin doorkii ganacsiga ee ka dhexeeyey saddex nin inuu codadkiisa baarlamaanka ku taageero Sheekh Shariif, haddana Shariif Xassan wax jawaab rasmi ah ma siin guddoomiyaha shirkadda, wuxuuna ka meermeeray inuu mowqifkiisa caddeeyo" ayuu yiri ganacsadahaas, oo la socday waxyaabihii ay ka wadahadleen labadda dhinac.

Shariif Xassan ayaa intii aanu ka soo ambabixin Muqdisho wuxuu kulan gaar ah la qaatay musharax Cabdullaahi Axmed Caddow, wuxuuna Caddow noqonayaa musharixii ugu horreeyey ee ay si fool ka fool ah isku soo horfadhiistaan tan & markii Shariif Xassan lagaga adkaaday siyaasadiisii ku wajahneyd in doorashada guddoomiyaha baarlamaanka in uu ku soo baxo shaqsi ka soo jeeda beelaha Hawiye ama Daarood, taasoo fashil ku dhammaatay, lamana oga waxyaabaha ay ka wadahadleen.
xigasho dayniile.com
Shabakada gubtanews
Muqdisho - Somalia
gubtanews@hotmail.com
www.gubtanews.com