Daawo Sawirada "Magacyada musharaxiinta katanaasulay musharaxnimadoodii madaxtinimada Somalia"

Tuesday, September 4, 20120 comments

Kulan maanta ay ku yeesheen Muqdiso 14 musharax oo u taagnaa qabashada xilka madaxtinimada Soomaaliya ee sanadkaan ayaa waxaa leeskula ogolaaday in 13 kamid ah musharixiintaasi ay u tanaasulaan musharaxa 14-naad oo ahaa Xaaji Maxamed yaasiin Ismaaciil.


Tanaasulka ayaa yimid kadib markii musharixiinta oo kubohoobay
kudlada the national partnership for change ay isla ogolaadeen in ay iyagu isu codeeyaan ninkii ugu cod batana ay u ogolaadaan in uu u tartamo jagada madaxtinimada dalka Soomaaliya iyada oo ugu danbeyntii uu codkii ugu badnaa uu helay Xaaji Maxamed yaasiin Ismaaciil.

Musharixiinta tanaasulay ayaa waxa ay kala yihiin:


Gen. Maxamed Nuur Galaal

Maxamad Maxamuud Guuleed.

Ismaaciil Maxamed Hurreh Buubaa.

Abdulqaadir Xaashi Cali (fish)

Eng. Abdi raxmaan Moallim (sharaf)

Hussein Khaliif Jaamac

Yaasiin Ibraahim Ciise

Prof Ahmed Muumin Warfaa

Yaasiin Maahi Malim

Mohamed Amiin Abdullahi

Aasha Ahmed Abdalla.

Mohamed Abdi rahmaan Nadiif.

Iyo Abdi Rahmaan Xaaji Cabdulle.


Musharixiintii maanta tanaasulay ayaa waxa ay dhamaan madasha ka sheegeen in ay bilaabeen wada aan horay loogu arag Soomaaliya gudeheeda in ay kadhacdo oo ah in rag iyagu musharixiin ahaa intey kulmaan ay isku raaceen in ay isu tanaasulaan.


Xaaji Maxamed yaasiin Ismaaciil ayaa markii lagu dahwaaqqay in isagu doorashada madaxtinimoda dalka Soomaaliya uu uga qeyb gelayo the national partnership for change ayaa waxa uu sheegay in uu wax badan kabedelayo hadii uu ku guuleesto kurisiga uu u tartamayo ee
saaxiibadii ay maanta uga tanaasuleen.







Shabakada gubtanews
Muqdisho - Somalia
gubtanews@hotmail.com
www.gubtanews.com


Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog