Saraakiisha Ciidamada Dowlada oo Sheegay in saacadaha soo aadan gudaha u gali doonaan Magaalada Kismaayo

Tuesday, September 4, 20120 comments

Saraakiisha Hogaamineysa Ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya ee Gobolada Jubooyinka ayaa ku hanjabay in saacadaha soo aadan gudaha u gali doonaan Magaalo Madaxda Jubada Hoose ee Kismaayo halkaas oo wali gacnta ugu jirta Al-Shabaab.

Afhayeenka Ciidamada Dowlada ee gobolada Jubooyinka Maxamed Daahir Faarax ayaa sheegay in ay kusii siqayaan Magaalada Kismaayo ayna jabiyeen Difaacyo Al-Shabaab lahaayeen saacadah soo aadana ay rajeenayaan in ay gudaha u galaan Kismaayo.


Maxamed Daahir ayaa sidoo kale sheegay in Duqeymihii shalay ilaa xalay Kismaayo kusocday ay ka dambeeyeen Ciidamada Kenya ayna ku garaacayeen baro Cayiman oo Shabaab lagu tuhmayay kuwaa uu sheegay in Qasaarooyin xoogan Shabaab kasoo gaareen.


Hadalka Sargaalkan katirsan Ciidanka Dowlada ayaa kusoo aadaya xili maalmihii ugu dambeeyay Magaalada Kismaayo iyo deegaanad aku dhaw dhaw ay Duqeymo culus iyo dagaalo ka socdeen ,iyadoona Shacabkii dagnaa Kismaayo Baddi halkaasi ka barakaceen.




Shabakada gubtanews
Muqdisho - Somalia
gubtanews@hotmail.com
www.gubtanews.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog