Waxaa Gabi ahaan magaciisa laga tagay oon lagu soo darin Musharixiinta rasmiga ah ee hada u taagan Xilka Madaxweynanimo ee Soomaaliya Siyaasi Caan ah horeyna Raizul Wasarae Dalka ugu soo noqday Shaaciyeyna in uu Musharax yahay.
Prof Cali Maxamed Geedi Raizul Wasaarihii hore ee Soomaaliya horeyna u shaaciyay in uu u taagan yahay Xilka Madaxweynanimo ee Soomaaliya ayaa caawa aan ka muuqan liiska 25-Musharax oo u taagan Xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya kuwa aoo magacyadooda la shaaciyay kadib markii ay Buuxiyeen Shuruudihii.
Warar Hoose aan helnay ayaa sheegaya in Prof Geedi uu ku dhacay Qaar kamid ah Shuruudihii Madaxweyne ee la hordhigay halka warar kalana sheegayaan in uu go’aansaday in uu ka haro loolanka kadib markii uu Xildhibaanada u deeriyeen una sheegeen in yar uu la kulmay in aysan dooraneyn.
Shalay ayey aheed markii Cali Maxamed Geedi Raizul Wasaarihii hore ee Soomaaliya uu soo gaaray Magaalada uuna sheegay in uu yahay Musharax u taagan Xilka Madxaweyne ee Soomaaliya uuna ku kalsoon yahay in la dooran doono.
Dad badan ayaa horey u saadaalinayay in Musharixiin badan ka hari doonaan Damacooda marka ay ku guuldareestaan Shuruudaha Madxweyne iyo kuwa kale aan kalsooni ka helin Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya.
Shabakada gubtanews
Muqdisho - Somalia
gubtanews@hotmail.com
www.gubtanews.com